Waxaanu ahayn koox caruureed isku gedo ah,hal magaalo ku wadda dhashay ,dhallinyaro wada dheela oo si waddareed
u kulmo maalmaha toddobaadka oo dhan ,isdiidku waa mid nagu yar , malaha wadda ciyaaridda jeelka aannu u qabno ayaa is eegashadda meesha ka saartay Kamase marin mararka qaar isdagaal caruureed naga dhex dhaca , oo taasu waa dhaqan ka jira deegaanka aan ku dhalanay oo waxaa la dhiira galiyaa dirirta ,dadkana deegaanka kawa muuwaadinka koowaad ahi waxay ku kala mudan yihiin qofba kan uu ka waxyeelayn dad ogyahay ,ase colaadaas jirtaa annaga ma ahan mid qalbiyadda ku ridan oo kuwo aan kala maarmin ayaannu nahay .
Kuunkuunka , Kubadda Cagta ,Aree busha ,Dabaasha iyo Ciyaaro kale waa inta aannu wadaagno Anniga iyo saaxiibaddayda aannu ku wadda jiro xilli caruureedka .
Wax farqi ah nooma kala dhaxeeyo oo in aannu kala sarrayno ma aaminsanin ,siyo kala duwan ayay ilmuhu isugu xiran yihiin, si si gaar ayuu mid kasti u leeyahya ku uu jaal hoose la yahay oo ay iska xigsadaan ilmaha kale ,Hablo nama taraxaan oo rag kaliya ayaan nahay .
Waxaan dhamaan u kalaxnaa Dugsi quraanka iyo iskuulka ka soo gadoonkayaga waxaanu beegsanaa wadda ciyaaritaan ,waanu ku faraxsanahay wadda jirkayaga xilli ciyaareedka ,wayse jiraan mid mid naga mid ah oo qallad caruurtu u taqaan ayna si guud uga cabsadaan, ay neceb yihiin oo dagaal badan ,kaasu waa hoggaamiyaha Caruurta ,xilliyadda uu madal caruureedka joogo jawigu waa mid aan wanaagsanay ,halka kolka uu maqan yahay uu xaalku caynkaa ka duwan yahay .
Koox odayeed ku kala Kor mariddayadi
Waxaan waayahaas Caruurnimo ku jiro ,gu’na gu’ kale noo gudbiyo waxaa la soo gaaray heerka waynaanta , Halkaan kolka aan joogo waxaanu kala noqonay saddex qaybood oo kala sarreeya .
Magaaladdi aannu ku dhalanay ayaannu ku kala yeelanay xuquuqo kala duwan , Qaybtaya waxay noqotay Deegaan daganaha Koowaad ee leh xaqa iyo quxuuxda tan ugu hor marsan , Koox kale waxay noqotay kuwa dabaqadda labaad ee xuquuqda deegaanka ah , halka qaybina gashay kaalinta saddexaad oo ah muwaadin duudsan oo qofnimaddiisu tahay tu ka takooran tan dadka kale ah .
Muuwaadinka 1-aad …Waa koox noqotay dadka deegaanka ugu badan ee ku midaysan koox odayeed ahna dadka u sheegta deegaanka si koox odayeedsan aaminsana in ay iyagu leeyihiin dhulkaas .
Waxaa dagsan in maamulka deegaanka uu xaq u leeyahay qof ka tirsan kooxdaas koowaad ,ka talinta iyo difaaca deegaankaasna ay iyagu xaq u leeyihiin .
Dhalinti aannu soo wadda koray qayb ayaa noqotay muuwaadinkaas koowaad ee ka mudan kuwa kale .
Iyagu sidaas ah in ay kuwa kale ka sarra maraan kolka la waynaado ma ahan mid ay samaysteen, deegaanka ayaa sidaasu ka fal gashan tahay oo ay dhaqan ka tahay kala saraynta lagu kala sarreeyo odayaal dhintay karti dheeraan iyo qofnimo wanaagsan oo ay leeyihiin kuma helin horayntaas qaybtaan noqotay kuwa leh xuquuqda deegaanka teeda ugu sarraysa .
Waa iyaga kaaya iska waynaysiinaaya …Maba ahan kuwi aannu wadda cayaari jiray ee aannu sinnayn kolkaan yar yarayn , oo haatan waa naga gobsan yihiin , waa iyaga leh dhulkaan annaga ayaa leh addiguna qof qalaad ayaad ka tahay oo aabbahaa ayaa dool ku yimi .
Muwaadinka 2-aad …Waa koox koox odayeednimadda la aaminsan yahay ku noqday kuwo aan ka tirsanay dadka deegaanka u badan , kuwaanu siyaasadda ka qayb qaadashadda ,ka talinta arrimaha deegaanka iyo difaaciisa midna wax lagama wayddiiyo kamana qayb qaataan .
Kali ah waxay leeyihiin in ay halkaas ku dhasheen sheegashaddeeda,aynna ku noolaan karaan , halka ay haabka ku hayaan deegaano kale oo Soomaaliya ka mid ah in ay leeyihiin oo halkaas ay dagan yihiin dad iyaga la koox odayeed ah .
Kooxdaanu waxay darreemaysaa dulmin , waxaynna qabaan in ay halkaan ku yihiin kuwo ka hooseeya dad kale oo ay isku deegaan yihiin .
Muwaadinka 3-aad ..Waa qayb koox odayeednimaddu xarimtay , waxay noqdeen dad la takooro kuwo ka qayb ah , Lagama guursado loomana guuriyo oo waa ka go’doon dadka intiisa gale , Guryahooda lama galo ,gasiinkana lalama cuno .
Waxaa lagu hayaa aflagaadayn ku dhisan in ay yihiin koox odayeed xun dad ah , magaca loogu yeero ee odayga ay ku midaysan yihiin ayaaba ah mid cay ah oo kuwa kale ayaa isku caaya .
Koox dhalinyareedka ka qaybta noqotay kooxda Muwaadinka Saddeex ah waa kuwo xaquuqdoodi qofnimo ee Alle kor ahaaye siiyeey laga xayuubiyeey oo qaba dulmin tan ugu saraysa .
Sidaas ayaanu u kala qaybsanahay dhalintayaddi isku filka ahayd ee waayihi caruurnimadda wadda cayaari jiray .
Xuquuqo kala duwan ayaannu ku yeelanay magaaladdi aannu ku wadda dhalanay ,Kan koowaad , Midka labaad ,iyo ku Takooran oo qaybta Saddexaad ah .
Waxaa noocyadda kala mudan naga yeelay dhaqanka deegaanka aannu ku dhalay iyo guud ahaan dhulka Soomaalida ka jira ee ah ku kala fiicnaanta odayaal dhintay iyo dhul xayndaabashadda dad oday dhintay waddaag ahi dhulka kala soohdimaysteen .
Sidaas ayaa na kala sarra marisay oo caruurtayaddi midba cayn ka dhigtay kolki uu waynaaday ….Alla Xanuun badana oo qalbigu diidi ogaa , In Saaxiibkeey noqdo dadka takoor ku ka mid ah , Ma wiilki noogu firfircoonaa ee sheekaalowga ahaa xilli caruureedkayagi ayaa haatan ah ku takooran oo laga tookho …Ma kii kale ee Caruurtu karhi jireen ee dagaalka badnaa dabcigana xumaa ayaa haatan ah mid leh xuquuqda koowaad ee deegaanka …Illaa Goortan saw isaga qalafsan maxaa siiyeey sarrayntaa ?..Kuwa sidaan sameeyey maxay sidaas u yeeleen , Miyeeysan damqanayn oo dammiir lahayn ..Maxay ka helayaan qof takooran iyo deegaan lagu sheegto oday dhintay ku middoow , Annigu saw dhulkaan kuma dhalan magaaladdaanuna ma ahan tan ay xudun taydu ku duugan tahay ? Ma oday dhintay ayaa ii diiday in aan noqdo Deegaan lahaadaha koowaad ? Taasu waa maan xirnaan .
Sidaasu Waa Cadaalad Darro Samayn tan ugu sarraysa..Waa Darreenkayga goortan …Waxaan Iswayddiinayaa sidee odayaal dhintay dadku ugu kala wanaagsanaan karaan ..Heer Garasho xumo oo gaamuray iyo dhaqan guran oo garab marsan fahanka nolosha weeye tanu ..ku kala sarra marka Odayaasha dhintay maxay maangaabnimo tahay …Sidee qof ugu wanaagsan yahay oday dhintay ku kalena ugu xun yahay ?
Noloshaddayadda ayaa noqotay mid kala sarraysa …Shaqooyinka sar sare waxaa yeesha Muwaadinka koowaad halka labadda kale haba sii kala hooseeyaane aysan heli karin shaqooyinka howl qabashaddoodu fududahay .
Guryo kala nolol wanaagsan ayay kala soo kala kaceen …Malaha xilligi caruurnimadda ayaanba kala nolol wanaagsanayn ..oo sida aannu haatan u kala sarayno ayay xaafadduhuna u kaal wacnaayeen .
Soo urririyoo noloshi waxaa nagu kala duway Koox odayeednimadda qayb sarreeysiiyeey qayb kalena hoosaysiiyeey .
Waa qayb ka mid ah Nolosha qabyaaladda ee ah dhaqanka Soomaalida , waa kala mudnaanta kolka la waynaado , taas oo ay sammayso odayaal dhintay oo dadku kala noqonayaan kuwo kala ah .
Koox odayeedsi ayay kala kor mariyeey weeye hal qabsiga weedheedka falka nololeed caynkaan ahi .
Qore –Idiris A. Dooxa-joog

0 Comments