Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Cambaareyn muhiim ah loo jeediyay

BAAQ CAMBAAREYN AH!

Wasiirka warfaafinta
ciyaalka xaafadda Soomaaliyeed aad ayuu uga xun yahay in dowladda Soomaaliya ay u soo jeesatay in ay Nabadda ka shaqeyso si looga hortago falalka argagaxa geliya shacabka.

Wasiirka wuxuu u sheegayaa dowladda in dadka xaq u leeyihiin in lagu sameeyo wixii ay qabatimeen sida dilka, kufsiga, dhaca, barakicinta iyo argagaxa loona baahneyn hawshaas raggii bulshada ku hayey in hubka laga dhigo.
Wasaaradda warfaafinta ciyaalka Xaafadda waxay dowladda ku eedeysay in ay go’aansatay in ay Muqdisho xasiliso si ay dadka nabad ugu noolaadaan. Waana mid aan loo dulqaadan karin.

Sidaas darteed, wasiirka wuxuu wasaaradda amniga iyo xukuumadda u soo jeedinayaa sidan.

1. Haddii aad hubka ka dhigtaan dagaal oogayaasha bulshada dhibaateynayey ee aad nabad dhalisaan, waxaad dusha u ridan doontaan masuuliyadda wixii horumar ah ee ka dhasha nabadaas aad keenteen.
2. Hogaamiye kooxeedyadan aad hubkoodii ka dhigeysaan waxay qabatimeen shanqarta iyo urta baaruudda rasaasta, mana noolaan karaan la’aantooda, sidaas darteed dowladda waa in ay ku xirtaa meel lagu dhaqan celiyo una qeybisaa qoryo boombale ah oo baaruud ka dhaceyso, si xiskooda uusan wax u gaarin.
3. Dhalinyaro badan oo derbi fadhi iska ahaa oo shaqo la’aani heysay ayaa ka walwal qaba in ay nabadda u sabab noqoto in ay shaqo helaan sidaasna ku lumiyaan xaquuqdoodii saag-saagnimada, sidaas darteed haddii ay dadkaasi shaqo helaan dowladda ayaa dusha u ridan doonta Masuuliyadda wixii farxad ah ee ka dhasha dhalintaas shaqooyinka u abuurmayaan.
4. Waxaa jira walwal ah in ay yaraadaan dhalinyaradii daryeel la’aan darteed derbiyada ku ciyaari jirtay jarada, daamada, taraqa iyo galuuska. Haddii ay ciyaarahaas u dayacmaan horumar ay dhalinta sameeyeen darteen dowladda waxay dusha u ridaneysaa masuuliyaddaas.
5. Haddii ay shaqooyinka kordhaan marka hubka xoog lagu aruuriyo, oo dhalinyaro lacag heshay ay aroos ku qamaamaan, dowladda ayaa loo heysan doonaa xaquuqda iskaabulonimo ee ay gabdhahaas islaameed luminayaan.
6. Haddii aad hubka aruurisaan, oo dhalinyarada hubeysan ee wax dili karta ay yaraadaan, dowladda ayaa dusha u ridaneysa wixii naf ahaa ee badbaaday iyo isturubadooda.

Ugu dambeyntii, wasiirka ciyaalka xaafadda wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey inuu yahay nin nabadda jecel oo aan ogoleyn in intan ka badan ay dad Soomaaliyeed xaq darro ku sii dhintaan, xilli ay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed oo u sixran dagaal oogayaasha ay u caaboonyihiin in ay dad badan dilaan.


Waxaa diyaariyay Abukar Al badri Maskaxdiisa Alaha Dhowro
Megen ALLA

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement