Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Waa Maxay dagaalku? Sideese looga baxaa?

Siyaabo fara badan oo kala yara duwan ayaa lagu fasiraa erayga dagaal, guud ahaantooduse waa kuwa ku soo wada dhici kara qofka caqliga leh marka uu maqlo Dagaal

 

Si kale haddaan u dhahnana waxay noqon kartaa: su'aashaas waxay culimadu uga kala jawaabeen siyaabo kala duwan marka dhan laga eego, laakiin marka dhanka kale ee hab qiyaaseedka laga eego isku si ay noqononayaan dhammaanba jawaabaha ay ka kala baxsheen cilmi baarayaashaas ama aqoonyahannadaasii

 

Haddaanse qaar ka mid ah kuwa su'aashaan ka jawaabay tusaale ahaan u soo qabsanno jawaabaha ay ka baxsheen waxaa ka mid ah sida ay ku jawaabeen; Maadiyiinta iyo Maarkisiyiinta waa; (dagaalku waa loollan hunguri oo laga dhaxlo dabeecadda). Taariikhyahanada; (dagaalku waa natiijada khilaafyo dhaqamo iyo taariikho)

 

Bay'olojiyiinta ama Ijtimaaciyiinta; (dagaalku waa lagdan liibaan doon oo ay isaga guulaystaan aadanuhu) Dimoqraadiyiinta; (dagaalku waa natiijada sed buursiga iyo naf jeclaysiga lagu kala jiidanayo; maal, dhul, xukun iwm) (Dagaalku waa amar iska dabiici ah oon ummadina iyo jiilna ka marnaan karin) eeg; Muqadamada (horudhaca) Ibnu khalduun, bogga; 37-aad 

 

Inkastoo ay culimadu ka yiraaheen qeexitaano badan macnaha dagaalka, hadaanse isku soo wada duubno waxa aan ka qaadan karnaa hadafka iyo biya dhaca ujeedada oo aan la xiriirinayno sida uu tafsiirku noo quseeyo: Qaanuunyahanadu iyaguna waxa ay ka dheheen sidatan: Dagaalku waa is ka horimaad hubaysan oo ka dhex dhaca laba iyo in kabadan iyada oo la adeegsanayo xoogag hubaysan, ujeedada loo dan leeyahayna ay tahay in la iskala wareego awood iyo xukun

 

Dagaalna ma guulaysto ilaa uu nabad ku istaago oo soo xasilo. Dagaalku waa isku dhac waxashnimo oo ka kala dhex hura laba dal iyo in ka badanba, ha la adeegsado Tikniko ama yaan la adeegsane. eeg bogaga; 4-7 ee (Criminal Law ) by; Howard, 4the edition. Mar kastaba oo ay kooxi doonayso in ay koox kale gartdaraysato ama carro fasahaadiso waxa ay ku marmarsiyootaa oo bartilmaameed ka dhigataa in ay yihiin kuwa la dulmay oo xaq u dirir ah, isla markaasna uu Eebbe ka raalli yahay dirirtooda oo uu ku garab siin doono guul mid adduun iyo mid aakhiro intaba

 

Taasi waa mid isaga dabiici ah aadanaha kol walba iyo goor walba, waxayna ku keenaan hab ah Munaafaqnimo la sharciyeystay oo ka soo fushay Mufsidka fikradda hore u soo dejiya oo xoogga saara sidii uu ku duufsan lahaa tiro dadkiisa ah 

Iyada oo taa laga hortagayo ayey sharci dejiyeyaasha cilmaaniyiintu ku fogaadeen ka hadalka cinwaanka Naf difaacid (Self deffence), waxa ayna ka dejiyeen qawaaniin fara badan iyo shuruudo ay ku xadidayaan qulqulka garadarrooyinka iyo ilaha lagu banaysto reer ku duulka. Waxa ay shuruudahaas iyo sharciyadaasi wada xadidayaan aragtida is daafaca, waxayna inta badan waafaqsan yihiin isla xadidaadda uu Islaamkuba ku xadiday iyo shuruudaha uu u dejiyey

Waxaa ka mid ah qodobada caanka ah ee ka degan is difaacidda, ee ka diiwaanka gashan qaanuunka caalamiga ah; (qaanuun kaste oo caalami ama dawlad hoose (Municipal) ah, ee reebaya miciinsiga xoogga waxaa lagama maarmaan ahaan u xadidaya xuquuqda is difaacidda) eeg; In re Hirota and others-1948, A.D. 336,364. (Naf difaaciddu waa banaan tahay waase in ay buuxsataa shuruudaheeda)= Diplomacy International Law. 174,177- (1972) G. E. do. nascimento et silva. (ma dhici karto is difaacid lagala soo horjeedsado is difaacid, ee waa in goor walba la sugaa cidda garta leh) = qodobka 51, ee jarterka UN. (USA. v.von Weizsaeckerotal - 1949, 14. M. M. T. 314,329. lambarka 41A.J.I.L. 872,877 ee (1947) oo lala akhriyo isla qodobkaan 51 ee UN charter wuxuu leeyahay; (is difaacidda waa wax tar xaaladaha qaarkood, waase in ay shuruudaheeda leedahay, laakiin marnaba wax macna ah ma keento oo waa laga dayriyey, maadaama uu keenayo munaafaqnimo wadadana u furayo gaashaan weerar iyo dhiig banaysi) eeg; R.R. Baxter (the Law of War)

 Inkastoo mar dambe qodobka marar kale la sii falanqeeyey oo la dabciyey laguna sii sameeyey xakamayn kale, iyadoo qodobkii 39 aad ee isla arintan isna lagu soo leexshay qodobkaan 51 aad markii la isugu yimid kulankii madaxyada dawladaha iyo istateyada ee lagu qabtay Geneva, Jan-1992 kii

Hadaba si looga hortago ku gabashada nafdifaacashada ayey qaanuunyahanadu dejiyeen xeerar adag oo xanibaya is difaac sheegashada, ayna ka dhigeen dagaalka gardarrada ah dambiga ugu xun ee la galo kana soo horjeeda nabadda adduunka, waxayna maxkamadaha Milatarigu adkeeyaan sugitaanka is difaacidda oo xanib weyn saaraan meel marinteeda, xukuno qabiidna ka qaataan sheegashadeeda. eeg; (The Criminal responsibility of States; 39 I. C. L. Q. 345,360 (1990), by; G. Gilbert. iyo (Difinition of aggression, 1977) by; B. Broms. iyo Article 6(A) of the London Charter of the International Military Tribunal

Intaas haddii aan isaga soo af jarno macnaha dagaalka iyo xeerarkiisa, waxaa nala gudboon in aan u soo dhaadhacno sidee baa lagu dhamayn karaa dagaalka kol hadduu qarxo?

Haddaba su'aashaas ka jawaabideeda oo ah mid sal ballaaran waxaan isaga soo gaabsanaynaa hal aragti oo la xiriirta heshiisiinta, maxaa yeelay dheeraanta daba galka mawduucu waxa ay nagu keenaysaa in aanaan fatashin kol haddii aanan joogin goobtiisii. Heshiisiinta marka aan ka eegno dhanka ay dadka intiisa badani ka eegaan waxa ay noqonaysaa mid aan loo bogi karin balse loo qaadan karo in ay tahay soofayn car-car qabta

Taasi waxa ay tahay habka ay u dhacaan wada hadalada nabadaadintu siiba kan ay dhex dhexaadiyaan dawladaha waa weyni waa mid u dhaca hab magoog ah oo lagu dhameeyo xaajadiisa maldahnaan iyo maslaxo madax salaax sababi kara umal iyo ma hadho, taas oo laga yaabo in ay fursadda u banayso ujeedada waqtigaas loo fadhiyo, ayna Baarlamaankaas ku qanciso nacam beenlayn laga tashanayo, laakiin dhab ahaan u abuurta gaashaan qaadnimo iyo hub aruursi hor leh, ayna dib u soo kiciso eel colaadeed oo looga duulayo aarsasho iyo is difaacid, tiiyoo lagu adkaysanayo waxaygii, xaqaygii, dhiigaygii, sharaftaydii, dhulkaygii, iwm

Ma yara inta dagaallo maanta iyo maalin hore intaba socday ee ka kacay eelka caynkaas ah, kuwaas oo ahaa boogo xaydh lagu dhayey oo dib loo dhimiyey ama loo damqiyey. Jiilkii aarsan waayaa waxa uu ubadkiisa ku anqariyaa agoontii aabeheed reer hebel dileen baad tahay, hantidiinii reer hebel baa dhacay, hooyadaa hebel baa kufsaday, hoog iyo ba', halaag iyo kala hantaa wilif, iyo dan darrada maanta reer habel baa ku baday ee ku hayso maankaaga in aad maalin uun ka aarsatid. Musiibadanina waxa ay joogtaysaa ama ilaa qarniyo sii daba dheeraysaa fidnadii la xabaal duugay iyada oo mar kale sii hurisa dhamacdii bislayd, babiskana la dul daagan qaxankaas tan iyo intii dhab looga daaweeyo oo laga qanco. Sidaa darteed heshiisiinta badankeeda siiba tan maanta dhacda ma ahan nabadayn la hubo, mana ballan qaadi karto heshiis walaaltinimo iyo wada noolaansho oo ku dhisan niyad sami iyo calool fiyoobi

Waxaana dhici karta in ay cid walbaaba maslaxa ahaan u arkayso heshiiska marxaladaas hiira hiirada ah ee lagu jiro awgeed bal si mar uun loo soo caadiyeeyo nolol iyo wax u eg, laakiin mar dambe oo ay noloshii sugnaatay uu isla kii shalay heshiiska nabadeed saxiixay dib u soo soofaysto isaga oo ay ku soo maaxanayso colaad baas oo uu horay ula illowsanaa duruufta adag awgeed, ka dibna waxa ay si hal haleel ah foodda isu darayaan libin ku joogihii shalay oo doobinaya isna aaminsiiyey in uu goor walba ku dambayn doono guusha iyo gacan saraynta gar ama gardarro. Intaas keli ah ma ahan duruufaha qasbaya heshiisyada deg degta ah ee dib ka soo fufa ee waxaa jira caqabado kale oo fara badan, waxayna intooda badani sii raaciyaan fiirsi la'aantooda mushkilado kale oo ka sii wada qota dheer fiirsi la'aanta, kuwaas oo intooda badani ay dhaqso u soo dedejiyaan eelkii colaadeed, qaar badanina ayba hor istaagaan heshiis magoogga, oo ay dhicisiiyaan heshiis magoogga, siina damqiyaan boogta, waxaana ka mid ah fidnooyinkaas khatarta ah; dhisid la'aan, tabar la'aan, aqoon la'aan, salayn la'aan, qiimayn la'aan iyo guud ahaanba hawl ka harid iyo is dhaafsiin ku qotonta doqonimo ama dano gaar ah

Haddaba marnaba lama dhihi karo wada hadalo nabad raadineed oo la isku af gartay waa heshiis ilaa inta laga arkayo qulqulkiisa oo laga dhadhaminayo mirihiisa, hubaashiina heshiis la dirqiyey waa magoog la isu qarinayo, waxaana mar kaste lagama maarmaan ah in loo kala saaro wada hadalada nabadeed ee dhaca heshiis siyaasadeed iyo heshiis colaadeed

Waase inaan maanka laga saarin in kol hadaan la helayn heshiis colaad dhamayn ay dantu keeni karto in lagu sii harsado heshiis siyaasadeed ama heshiis danaysi si looga sii baqoolo halkaa marka la xuurto gooyo ee ay cabbaartu fusho. Waxaa kale oo iyana haboon in lagu sii daaqo hab nabadeedka la yiraahdo; isu fasixid wadaag deysan oo maldahan (implied mutual concent) 

Marka la doonayo in dhab ahaan loo gaaro heshiis waa in la sifeeyaa quluubaha qolooyinka is qoonsan, iyaga oo si xorriyadi ku jirto u caddaysanaya cuqdadahooda iyo waxa ay kala qabaan lagana wada hadalsiinayo oo la is fahamsiinayo, lagana dhaadhicinayo qola walba sida ay qolada kale wax isu tusisay, waxaaba la arkaa in ay wada wanaag doon yihiin ayse isla garan waayeen habka loo jiidayo oodda ay isku meesha u wadeene, sidaasina waaba sida ugu badan ee sababta is af garan waayada ay dhiigaga badani ku daataan

 

Hadaba marka la raaco dariiqadaan xaldoon waxaa laga yaabaa in rukumada loo qotomiyo nabad ku taagan xidido qota dheer oo uu sal adagi ku taagan yahay. Waxaas oo dhami wey u hirgalin karaan aadanaha kol haddii ay ku waajihaan niyad bir ah oo uu ka buuxo ikhlaas iyo daacad doon baraxla' , wuxuuna Alle weyne la garab geli karaan marka ay daacadnimada caynkaas ah u qaadaan wadadii uu u jeexay ee toobiyaha ahayd, taas oo ku ridi karta tubta Jannada adduun iyo tan aakhiro. In loo aqoonsado Eebbe wax tarkiisa waa midda lagu gaari karo baraaraha iyo bala la'aanta, waxa aan sharraxa faaladaan ku soo xiraynaa hal tusaale oo xusuus u ah kuwii aan horay u soo xusnay, kaas oo ah in aan masaal ugu soo qaadano arinta Wershad wax soo saar oo aad iskaa u leedahay dabadeedna lagula maamushay, iyada oo aan wax ogolaansho ah inaba haba yaraatee lagaa haysan, ma laga yaabaa in aadan caroonin haddii aad aragto qayb ka mid ah alaabadii ceeriinka ahayd ee aad u soo diyaarsatay wershadaynta ama qayb ka mid ah qalabkii lagu shaqaynayey oo iyadu iska maamulanaysa wershadda inteedii kale

Si kale haddii loo dhaho, ka waran haddii aad arki lahayd mid ka mid ah shaqaalihii xoogsatada ahaa ee hayey shaqooyinka ugu hooseeya Wershadda oo iskood isaga maamulanaya, si aad u qaldanna ugu tasarufaya wax alla wixii yiillay Wershadda, sow ma xanaaqdeen oo ma fidnayseen? hadaadse aragto qaar ka dambeeya oo u muujinaya mid shaqaalahaagii hoose ah ixtiraam dheeri ah oo aad adigu uun ku lahayd goobta, isla markaasna aan adiga waxba kuu arag, wax kastana kala xiriiraya ninkaas aan waxba u haynin sow kama aad masayrteen oo ka cayriseen shaqada ugu yaraan? haddaba ogsoonow Ilaah wuu kaa sii masayr iyo hinaanso badan yahay

Si kale haddii loo sii eego, ka soo qaad in aad tahay khabiirka iyo mulkiilaha Wershaddaas oo nin aan adiga ahayni uusan hagaajin karin birtii ka hallowda, maxaad ku oran lahayd haddii aad ku kari weydo shaqaalihii war i weydiiya sida loo isticmaalo qalabka Wershadda inta aadnaan faraha la gelin oo aadnaan isku goynin? ee aad weliba aragto iyagii oo raadsanaya khubaro kale oo ay ka cilmi dalbayaan, weydiinayaana sida loo kiciyo Matoorka Wershadda? haddaba ogsoonow in aad Eebbihii ku abuurtay ka qaadan la'dahay war bixintii uu ku siiyey ee ku saabsanayd sidii aad ugu noolaan lahayd dunidiisa, inkastoo laga yaabo in aad toban jeer weydiiso su'aalo dheeri ah oo ku saabsan sida loo isticmaalo qolka iyo musqushiisii ninka aad habeen ka kiraysato Albeergo, weliba ka dib marka uu ku siiyo buug yaraha ka sheekaynaya sida loo isticmaalo qalabka qolka iwm

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement