Way jirtaa in ay dagaalladu yihiin hoog iyo ba' laga magan galo Ilaahay, oo aan ka tagin waxaan ahayn burbur iyo basanbaas dhaxla balaanbal, tiiraanyo, calool xumo, uur ku taallo, dad la'aan, duunyo la'aan, guri ba'ay iyo galaan-gal, wiil iyo walaal la'aan, aabbe la'aan iyo hooyo la'aan, cayr iyo qaawanaan
In kastoo uu raadka dagaalku reebo intaas oo musiibo ah iyo in ka sii badanba haddana shaki la'aan wuxuu reebaa faa'iidooyin kale oo la taaban karo, sidaas darteed sama wadow sabir sedkaaga waad heliye, xifdisana maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa (Haddaan fidno dhalan Farxadi ma dhalato)
Akhristow intaadan la yaabin faa'idada uu dagaal leeyahay horta ogow in wax kaste oo yimaadaa ay leeyihiin faa'iido iyo khasaaraba, oo hadday dhan ka faa'iideeyaan ay dhan kale ka khasaariyaan, sidoo kale ogsoonow in wax kaste oo dhaca ay ku yimaadeen maamul iyo qorshe uu u kasay Eebbe, taas oo loo baahan yahay in lagu sabro oo lagu cibri qaato. Waxaana hubaal ah in uu Alle ku xallinayo dhib jiray mar kaste oo uu dhib qolo taabsiiyo, sidoo kale uu ugu gogol xaarayo kheyr iyo horumar baraare ah oo la gaari doono.
Waxaad kale oo ku qalbi qabowsataa in kan ku waxyeeleeyey ee dalkaagii iyo dadkaagiiba dabar gooyey uusan u dan lahayn in uu wax kugu dhibo ee ay tabari intaa ka noqotay, illeen waa garaadkiisiiye, waxaaba laga yaabaa in uu wax wanaaji is lahaa oo ay aqoontiisa iyo garashadiisu halkaa ku ogaatay
Waxaadna rumaysataa in kan naftiisa ku aaminay birta uu yahay caruur xamaaranaya oo dhuxulaha dabka ah timir u malaynaya, ayna haboon tahay in faraha laga qabto oo laga ilaaliyo midiyaha iyo sakiimaha uu liqayo
Maahmaah Soomaaliyeed baa ah (Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin), nasiib darrase waxaa ah in kuwa wax ma garadka ah ee aan indhahanaga ku arkayno heerkooda garasho aysan barri marka la is xisaabinayo maalinta kulanka weyn aan lagu darayn xoolaha ee loo xisaabinayo sida dadka kale ee wax garadka ahaa. Waxaanse weli eebbe uga baryeynaa hanuun iyo dambi dhaaf, anaga oo leh; (Ilaahow isaga dhaaf, ma ay garanayaan waxa ay samaynayaane).
Waxaadna Samawadow taas ku garataa in aan aslanba Soomaali horey u soo marin mid aqoontiisa iyo garaadkiisu ay kaamil yihiin oo tala u qabta, oo bal dib u xasuuso dhammaanba kuwii isaga kala dambeeyey boobka iyo bililiqaysiga dalka iyo dhiigga dadka magac kaste ha ku yimaadeene
Marka laga eego xagga Cilmiga Nafsaaniga, waxaa la ogyahay in haddii isaga oo qofi uu ku jiro xaalad murugo ama dhib, la dul saaro dhib iyo culays kun jeer ka sii xoog badan kii hore uu judhiiba iska illoobayo horta kii hore, ka dibna uusan waxba u arkayn kan dambe qudhiisa, haddaba si ku dhisan Cilmi nafsigaas ayuu Eebbe wax walba oge ina tusayaa isaga oo noogu masal garaacaya tii ku habsatay Muslimiinta maalintii Uxud, ee ay Kabtay ma aragtaydu ka dhacday, wuxuuna Ilaah leeyahay;
(Oo ay idinku dhacday Murug ay la sii jirto Murug kale, si aadnaan ugu walbahaarin wixii idinka tagey, iyo wixii idinku dhacay, Eebbana waa ogyahay waxa aad falaysaan).
Waxaanan tusaale ugu soo qaadan karaa qodobkaan sheeko uu iiga sheekeeyey dhibanihii ay qabsatay, kaas oo iigu warramay in uu dagaalka u soo diray 7 wiil oo uu dhalay, ka dib markii la dilay wiil ilma adeer labaad la ah, oo nin laba Xaniinyooda ahaa, dilkiisiina nagu noqday ka sabri waa, laakiin dhaqso ayaan isagii iyo wax qabadkiisii hore oo dhanba uga samray ka dib markii la raacsiiyey 7 dii aan dhalayba, maantana waan faraxsanahay, oo waxaan ku mahdiyaa Eebbihii aniga iga reebay, maadaama aan fidna walaha koowaad ahaa, ee igu simay heert Tawbad keen.
Hadaan intaas ku dhaafno ararta qoraalkeenan aan u soo dhaadhacno ujeedadii qoraalka.
Eebe weyne ayaa yiri; (Haddaynan jiri lahayn ku reebidda Eebbe dadka qaarkood qaarka (kale), waxaa fasahaadi lahaa dhulka, haseyeeshee Eebe waa fadli u saaxiib (u deeqe) caalamka).Al-baqara;251
Akhristow haddaad aayaddan ku cabirtid habka ay dagaalladu uga dhacayeen Somaliya waxaad arkaysaa in goob kaste oo la isku galay ay ahayd jasada qolada lagu jebiyey, oo waxaad yaqiinsanaysaa hadaad sii daba gashid wixii ay qoladaasi ka gashay ama isla qoladaas legdatay ama kuwa kale ama cibaadada Alle oo ay ku caasiyoobeen iyo waxyaalo kale oo badan aad oran lahayd allaylehe baga wey tahay abaal marin ku haboon falfal xumadoodii, taasna maahan inaad ka eegto meel keliya sida; reer hebel yey dileen ee waxaad ka eegi kartaa reer hebel maxay guud ahaan dambi ilaahay ka galeen noocuu doono ha ahaadee, sidoo kale ha ka eegin reer hebel xabbadu ma layn ee ogsoonow in uu Ilaah si kale u ciqaabi karo sida; abaaraha, faqriga, cabsida, sal la'aanta, miyir la'aanta iyo iimaan darrada.
Wuxuu kale oo Ilaah inoo sheegay in dunidaba aan wax qumani ka hari lahayn mar haddaynan dadyowgu is reereebayn oon qolaba qolada kale reebayn , oo wuxuu yiri; (Hadaynan jiri lahayn ku difaacidda Eebe dadka qaarkood qaar (kale ku difaacayo), waxaa la dumin lahaa Macaabid, Sanagogyo, Kaniisado iyo Masaajid lagu xuso dhexdooda magaca Eebe wax badan, Allana wuu u gargaarayaa ciddi u gargaarta (diintiisa) Eebana waa xoog badane adkaada) Al-xajj; 4o
Haddaba dagaalku wuxuu idleeyaa oo soo afjaraa cuqdado, ciilal, uur ku taallooyin, murugooyin, sheegashooyin, aragtiyo gardarro oo qaldan, aabyood, anshax xumo, kibir, isla qab weyni, isa silcin, is xaqirid, is gumaad hoosaadyo, iyo is jugeynno fara badan oo u dhaca si tartiib tartiib ah, sidaa awgeed wuxuu cirib tiraa fidnooyinka yar yarka ah ee socodkoodu uu cuuryaamiska ku hayey wanaagyo iyo hormarinno badan oo la gaari lahaa iyada oo markaas looga gudbayo huritaanka fidno weyn oo qaxankeedu halaagyo culus sababo, waxayna taasi waafaqsan tahay habka ay dadkii hopre ku raadin jireen daaweynta iyo xalka wanaagga, oo waxaa dhacda in haddii qof ay asiibto mid uun jirrooyinka ka mid ah lagu gubo dab shiila jirkiisa, ama in la garaaco iwm, sidaa si la mid ah ayey haddaba aadanuhu u qabatimeen in ay wax walba dawadooda ku raadshaan wax dhib iyo shiddo wata, maahmaah Ksawahili ah ayaa oranaysa (dawa ya moto ni moto) oo macneheedu yahay (dawada dabku waa dab)
Waxaa la sheegaa in ay ilbaxnimadu asal ahaanba tahay natiijadii dagaalka, haddii la eego xagga wax barashada, dhaqaalaha, bulshaynta, wax soo saarka iyo horumarka dhan kastaba leh
Bal aan tusaale u soo qabsano bilowgii adduunka iyo bilowgii dadka waxaan helaynaa in ugu horayntiiba uu Ilaah noo sheegay cillada ugu weyn een dunida ku fasahaadinayno in ay tahay anagoo dhiig iska daadina oo arlada ku fasahaadina dirirteena.
(Xus markuu Rabbigaagu ku yiri; Mala'ikta waxaan yeelayaa dhulka cid u harta, oo ay dheheen ma waxaad yeelaysaa dhexdeeda cid fasahaadisa oo ku daadisa dhiig anagoo ku hufayna mahaddaada awgeed oo ku weynaynayna, markaas uu yiri; anigu waxaan ogahay waxaadnaan ogayn) Al-baqara;30.
Ka dib markuu Eebe ogaal badne si kas ah ugu soo daayey Aadanihii Arladatan ayaa waxaa dhacday sidii horayba loo sii sheegay inay dhulkii fasahaadiyaan oo lama aqoon cid amarka Eebe khilaafta iyaga ka hor (Ibliis mooyee) saa waxayba cuneen geedkii looga digay cunistiisa, taasina waxay keentay in uu Eebe inta uu ku xanaaqo ka soo cayrsho Jannadii isaga oo ku yiri;
(waxaanan ku niri ka hoobta Jannada, qaarkiina qaarka kale col buu u yahaye, waxaana dhulka idiinku sugnaaday meel aad ku nagaataan iyo raaxo tan iyo muddo).Al-baqara;37
Haddaba iyada oo ay sunnadaas Rabbaaniga ihi fulayso ayaa waxaa markiiba foodda is daray labadii ilmo Aadan ahayd Qaabiil iyo Haabiil
Hase ahaatee inkastoo uu midkood goobtaas ku naf waayey hadana faa'iidooyin badan baa ka xasilay fal dambiyeedkaas, oo waxaaba ka mid ah; soo saaritaankii fikradda dad aasidda iyo habka qabri qodista, kala ogaansho la kala ogaado kii gardarnaa iyo kii kale, is jacayl cusub oo dhexmara walaalihii kale iyo ka taxadarid dil dambe oo dhaca
Sida uu Dr; Maxamed Cali Dhanaawi ku qoray kitaabkiisa, bogiisa; 39-49;
sababta keenta ilbaxnimadu waa tijaabooyin iyo dhibaatooyin la maro, dhibaatooyinkaas iyo shiddooyinkaas la marayana waxaa ugu horeeya dagaallada la isku gumaadayo goob walba oo ka dib markay dhacaan gadaashooda laga xasiliyo wanaagyo dib dambe loogaga faa'iidaysto oo ay taasi hooyo u noqoto, Faylasoofka caanka ah ee Will dewrant ayaa ku qoray kitaabkiisa; Taariikhda Ilbaxnimada;
( Runtii Dagaalladu waa kuwa abuura Madaxweyne, waana kuwa abuura boqortooyo, waana kuwa abuura Dawlad. Dawaldda hooyadeedu waa boqortooyada aabeheeduna waa Dagaalka)
Sumner isna wuxuu yiri; ( Runtii dawladi waa natiijada awoodeed, waxayna hoos harsataa tiir awoodeed).
Nitasha, isna wuxuu yiri; ( Runtii koox wuxuush ah (ama dad duur joog ah) hadday ku qaadaan duullaan habaysan kooxo fara badan oo dad degan ah, kuwaas oo aan waayin tiro, laakiin waayey tayo iyo nidaam habaysan, waxaa laga yaabaa in ay taasi noqoto asal dawaldeed) eeg,; History of civilization
Hadii aan ku noqono qeexitaanka macnaha Ilbaxnimo si aan u dhadhansano ujeeddada qoraalkan ayaa waxaa lagu soo aruuriyaa sidatan Ilbaxnimadu waa (Islaamka ka sokow): kacaan cusub oo ka dhasha natiijada dhibaatooyin lagu jiray si uu u reebo dhibaatooyinkaas una horseedo nolol cusub oo lagu badbaadayo ama lagu hormarayo sida; kacaankii wershadaha, ilbaxnimadii giriiga, tii Roomaanka iyo kuwa kale oo badan. kuwaas oo dhami waxay ku tusayaan in marka ay dadku leeyihiin ilbaxnimaa la gaaray ay macneheedu tahay silic iyo saxariir lagu jiray baa xal looga boxo la helay
Hadaba dhibka iyo gaajadu waa hooyada wax soo saarka iyo ilbaxnimada.
Sida la ogsoon yahay dagaal culus oo ka dhex qarxay laba gobol oo ka mid ahaa dawladdii Islaamka, ayey ahayd sababtiisu; nin Barasaab cusub ah ayaa labada gobol midkood gobolka kale u soo diray, wuxuuna Imaamku u soo dhiibay warqad ay ku qoran tahay (Hadduu idiin yimaado ninkani qaabila) waagaasna ma aynan jirin dhibcaha lagu kala garto xarfaha afka carabiga sida B, T, TH, erayga dilana waa Faqtuluuhu, erayga Qaabilana waa Faqbaluuhu af carabi ahaan, sidaa darteed waxay noqonayaan isku dhigmo mar haddaynan dhibcuhu kala caddaynayn, taasina waxay sababtay in ay u fahmaan (haduu ninkaasi idiin yimaado dila) say waa dileen, kuwii kalena waxay u maleeyeen in ay qoladaasi gedoodeen oo ay xumaan doon ahaan u dileen ninka, halkaasaana la isaga bilaabay, laakiin dagaalkaas ka dib waxaa la isla gartay in lakala duwo qoraalka xarfaha oo lagu kala sunto dhibco iyo shaqal...
0 Comments