Gabadha Soomaaliyeed waa kuwa leh Qurux Iyo Midab Dahabi ah oo aan la helin dunidana lacag lagu baadi goobo, lakiin nasiib darro gabdho badan oo Soomaaliyeed Waxay Midabkooda Rabbigay Siiyay Ee Quruxda badan ku bedeleen Midab Mac-Mal ah oo Suuqa laga soo iibsaday, xaqiiqdiina ah mid dhibaato Iyo Xanuuno u keeni kara lehna khataro aad u fara badan
Waxyeelada diyaanada
Diyaanadu waa walxo kiimiko ah oo laga sameeyo waxyaalo la isku dardaray oo halis ah. qofkii isticmaalana ku reebaya difeeto aan laga soo waaqsan oo sababaya in jirkiisu uu ka dhinto dheecaanadii awooda siinayay maqaarka oo ay dhacdo in jirkiisu qofku noqdo mid aan awood u lahayn in uu iska difaaco qoraxda ama waxyaalaha dadka sara sida Sakiinta oo marnaba ay suura galin in qofkaasu tolanto oo jirkiisu noqdo sidii caadiga ahaa
Qoraxda Iyo Gabdhaha Diyaanada ah
Gabdhaha Diyaanada Ah Waxa heysata Dhibaato dhinaca kasta Waxana aysan Awood u laheyn inay Jikada Ama Cuntada kariyaan Xilliga Ay jirto Qoraxdu, Sidoo kale ma Awoodan inay Suuqa Ama magaalada u Soo baxan Xilliga maalintii ah, Taasina waxa sabab u ah iyadoo hadii aay ka soo talowdo Aqalkeeda la kulmi karta Xanuun Ama jir bedel aay keeni Qoraxdu ama Kuleylka Dabku, Waayo Waxay isticmaashay Daawo logu talo galay in lagu isticmaalo dhul Qabowgiisu ka hooseyo 14 Degree Centigrade
Goos Goos Dhibaatoyiin
Waxan Arkay Gabadho Badan Oo Isticmaali jiray Diyaanada Dhibaatoyiin fara badana kala kulmay, Waxa ka mida Kuwa Qoys Burbur ku dhacay, Kuwa Xanuuno aay ka qadeen Daawada Gabdhahu isku cadeeyan Ay sababtay Inay Ilaa Xilligan Isbitaalo la jiifan, Halka kuwa kale Wejigoodii u Isbedel ku dhacay Oo Quruxdii ka luntay, Kuwa badan Oo Rag la’aan Iyo guur xumo ka dhaxlay
Ruuntii maanta rag badan waxa u doonaya gabdho madow ama Midabkodii leh halka u ka guursan laha gabadh qurux badan ama Daawo isticmaasha, Sababtuna Waa raga oo fahmay Wax yeelada iyo Xanuunada Xiita isaga uga Imaan kara Isticmaalka Daawada Cadaanta Dumarku ka raadiyaan…
Talo…
Waxan u soo jeedin Gabadha Sharafta, Anshaxa Iyo Asluubta leh Ee Soomaaliyeed, Kuwaas oo ku caan baxay Qurux Iyo Qiimo aay dheer yahiin dumarada kale ee wadamada deriska inay joojiyan Isticmaalka daawada Iscadeynta, Ayna halkii Daawada ku bedelan Waxyabo Iyaga Qurxin aana dhibaato u keneyn, Hadii kalena aay Midabkooda Waxba ka bedelin
Quruxda Iyo Abuurka Illaah Inoo Suubiyay Ayaa ah mid ka Wanaagsan Wax weliba, Ogowna Eebe Waa dhameystiray Quruxda Qofka Binu Aadamka Ragg Ama Dumar Dhamaan, Waxana u siiyay Suurad mida Ugu Quruxda Badan… Aan Eebe Ku Mahadcelino Aana joojino Isticmaalka Iyo Adeegsiga Kiimikada Wejiga Dad badan ka dishay.
0 Comments