Waa subaxnimo,waxan dhex jiifa Xabsi, waxa anigoo Jab rooti ah & Koob shaaha oo biyo la kuleyliyay aad moodo cabaya irida xabsiga qeybta maxabiista ka soo galay 2 nin oo cadaan ah & wiil Soomaali ah oo la socda,
waxana weheliya Taliyahii Xabsiga oo lagu magcaabo Shire Baadhi
Waxay markiiba toosiyeen Abshir Booyaax oo meesha hurda, isagu quraacdan Rootiga ah uma kicin sababto ah Xaaskiisa qado & Casho wanaagsan suuqa uga keenin, wuxu taliyahii yiri Abshir kac waraysi ayaa lagula yeelan, wuxuu yiri Shire anigu waraysi bixin maayo, xooga muran & dood.kadib Oday Shire wuxuu dhankii aan fadhiyay la soo aaday Abshir oo u wodo wuxuna ku leeyahay sidaan "Abshirow 100$ ayaa la ii siinaya ee waraysiga bixi adigana qeyba ka siin lacagta, intuu qoslay ayuu yiri War boqol waxba ma tareyso ninkaygan halka Milyan afka geliyay ee war kale ma heysaa... micnaha Abshir waa burcad badeed soo gubtay ilaa dhowr & toban malyana madax furasho u qaatay waana nin ku faana intaa badan inu aha Aasasahii burcad badeeda, wiilkii Soomaaliga aha ee ragga cadaanka ah wotay oo markii dambe la ii sheegay inu aha Mahad Muuse Axmed Khayr oo Wasiirkii Amniga waqtigaasi Gen. Yusuf Axmed Khayr adeer u yahay ayaa intu labadii oday u yimid ku yidhi maxa jira Booyaax oo waraysiga u diiday, intu qoslay ayuu yiri Afkii hadli laha cunto ayuu raba Mahad intuu jeebka gacanta geliyay ayuu 1,000$ soo bixiyay gacantana u geliyay Booyaax lakiin Shire Baadhi xanaaqi halka ka dhacay waxay sababtay in isagana 100$ logu daro 400$ sii hawshu u dhamaato waraysiguna ugu hirgalo kooxdan Soomaalida & Holland u kala dhalatay
Maalinta kadib ma aaminin sarkaal Puntland ka mida ayaa laaluush cunin.
Yusuf Ali Adanm
Yusufaliadam@hotmail.com

0 Comments