Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Puntland "Mushkilada labbaatan jirsatay"

I Dhibaatada Puntland ka taagan waxaa laga sugayaa inay xalliyaan kuwii sababay, taasina suuragal maaha. Soomaalidu waxay tiraahda "Nin ku dilay har kuma jiido".


Waxay u baahan yihiin dadwaynaha Puntland mid u addeega ee uma baahna mid maalinba xaraasha khayraadkooda, aqalo cusub ka dhista shillinkooda.

Dalka iyo dadkoo dayacana meel ebera uga dhaqaaqa isagoo dib u celiyay.

Waxay ku maahmaahda Soomaalidu "Ratiba ratiga ka horreeya; saanqaadkiisuu leeyahay", horjoogeyaashii hore ee Puntland waxay caan ku ahayeen xaraashka khayraadka dadwaynaha iyadoon dadwaynahu wax faa'iido ah ka helin, waxaana jidkii hore sii raacay horjoogaha xilligan Siciid Deni Afwaliinjo isagoo ay taas u dheer tahay inuu yahay "Rati majaraha loo hayo".

Billiliqaysiga khayraadka dadwaynaha, musuqmaasuqa iyo qabyaaladda qaawan waxaadba moodda inuu Deni Afwaliinjo bara dheer yahay kuwii ka horreeyay.

Heshiisyada aan laga fiirsan balse la eegaayo shillimaadka yar ee shirkaddaha maafiyada, jariifka xeebaha, dhoofinta macdanta sharci darrada ah, duurjoogta iyo xaalufka dhirtu waa ballankii adkaa ee horjoogeyaasha Puntland iyo kursiga qori isu dhiibka ah.

Mustaqbal la'aanta carruurta Puntland, waxbarasho, addeeg caafimaad oo aan jirin, ciidan maleeshiyo qabiileed maalinba shaati xiran, maryo calas, hay'addo iyo dalal shisheeye oo calooshood u shaqaystayaal ka samaystay PL, shaqo la'aan baahsan oo dhallinyarada haysta iyo weliba maandooriyaha garaadkii dhallinyarada iyo cirrooleba dawakhiyay.

Kufsiga carruurta, jirdilka iyo maskax dilka dadwaynaha Puntland intuuuba waa Dhaxalka horjoogeyaasha xun.

Weli waxaad moodda inaan sugayno kuwii sababay dhibaatoyinka taagan, kuwa boobaya hantida iyo dhaxalka ubadkeenna, sacabkana qaarkeen ugu garacayaan tolnimo kuwa ubadkooda mustaqbal tiray, gaajo iyo qaxootinimo qaarkood gelshay.

Maanta waa maanta; ma soo laabanayso, balse waad samayn kartaa waxay beri intifaacsan karto ama u ubadkaadu dhaxalo, iska hor wareeji awrka raran ee hoggaanka loo hayo (Deni Afwaliinjo), waxqabad iyo horumarinta dhulkaaguna ha noqdo sinnaan wax ku qaybsi iyo haldoor hoggaamintiisu tahay ballankaad dhigataan.

Puntland waxay barwaaqo ku gaari kartaa waa in kuwa dhibaatada dalka iyo dadka gaartay sababay, haddana in ka badan labbaatan sanno ku hor gudban iyagoo keligood noolayaal ah, aan laga sugin inay horumar ummaddeed horseedan ama ay mushkiladka dadwaynaha xalliyaan.

- Yuusuf Cali
Yusufjournal@gmail.com 

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement