Waa lamaane ku nool banaanka tuulada Beelcawatay ee deegaanka
degmada Qandala ee gobolka Bari goobta ay ku nool yahiin waxaa lagu magacaaba Bali-Xaar, Ninku waa jin magaciisuna waa Camuu, Xaaskiisu waa Insi magaceedu waa Weji-gas
Waxa halkaasi uga dhisan guri cooshad ah oo bakado ka sameysan... waxay duunyo xoolo ka heystaan Afartan neef oo ari ah, laba laxaad iyo hal dameer, Camuu intaa badan dadka tuulada ama deegaanka Bali-Xaar kula nool ma arkaan... Waxase la maqla codkiisa marka ay wada sheekeysan ama ay u yeereyso xaaskiisa weji gas....
Maalin Camuu ayaa ariga raaci jiray, maalin waxaa ariga iyo xoolaha raaci jiray xaaskiisa weji gas.. waxaa dhacday maalin weji gas xoolaha raacday in dawaco ka cuntay neef u laha camuu halkaasina waxaa ka dhashay buuq iyo qaylo, habeenkii lagama seexan oo dadkii tuuladu waxa dhib weyn ku noqday qaylada labada ruux iyo dhibaatada dgaalka ka dhex taagan
Kolkii dagaalkii dhamaan wayay, waxaa dhacday in lo tegey culimadii magaalada subaxii sii garta labada qof u galaan... Waxaa loo kala gar qaadin qof la arko iyo qof codkiisa keliya la maqlo
Wax heshiis ah halkaa waa ka dhici diiday... xaalkuna waa adkaday
Camuu wuxuu ka codsaday dadkii deegaanka in maxkamadiisa loo gudbiyo Maxkamada jinka ee ku taala Tuulada Dhurbo oo ka tirsan degmada Caluula ee gobolka Bari
Subaxii dambe waxaa furantay dacwadii Camuu iyo Xaaskiisa, Dacwada kaddib iyo dood dheer waxaa loo xukumay Camuu neefkii ariga aha in la siiyo xaaskiisa Weji gas bixiso balse arrinta racfaan ayee ka qaadatay xaaskiisi waxayna codsatay in kiiskeeda loo wareejiyo maxkamada insiga ee Bosaso ku taala halkasi ayaana lo gudbiyey dacwadii lamaanaha
Isla asbuucii waxaa furantay dacwadii waxana weji gas ku guuleysatay in lagu wayay wax denbi ah iyadoo la sheegay in arrintu ku dhacday qadar iyo amar ka weyn kun sanno
Camuu oo aad uga xanaaqay xukunka maxkamada insiga ee Bosaso ayaa racfaan degdeg ah arrinta ka qaatay isagoo codsaday in dacwada loo wareejiyo maxkamada sare ee jinka ee ku taala Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo u garsoore ka yahay MA MATE MA GAFE oo ah garsoore aad logu yaqano cadaalad fal.
La Soco
Yusufcali@outlook.com
Twitter/IamSomali
FB/YusufVIP
FB/YusufVIP
Maxkamadii Camuu Iyo Weji gas (Qeybtii Labaad)
Dacwadii maxkamada jinka ee Baraawe Weii-gas waa loga guuleystay waxayna qaadatay racfaan kale oo waxay codsatay in loo wareejiyo Maxkamada insiga ee gobolka Banaadir, halkaasi oo u garsoore Maxkamadeed ka yahay munyo abuu muunyo oo jareer ah...
Waxaa bilaabatay Maxkamadii sare ee gobolka Banaadir, Guddoomiye Munyo Abu muunyo wuxuu yiri sidaan :-
Markii aan arkay gal dacwadeedka Maxkamada u horreysay ee jinka ee deegaanka Dhurbo, Markii aan arkay dacwadii labaad ee Maxkamada Insiga ee Bosaso, Markii aan arkay gal dacwadeedka Maxkamada Baraawe iyo Racfaanka weji-gas ka qaadatay, markii aan arkay qoraalka odayaashii tuulada Beelcawatay ugu gudbiyeen dacwadiina Maxkaamda Jinka ee Dhurbo markii aan dhegeystay dacwada Weji-gas iyo ninkeeda Camuu iyo doodaha labada dhinac.. Marku eegey kala duwananshaha jinka iyo insiga, wuxuu ku dhawaaqay go'aan kama dambeys ah
''Illaahi isu keenay camuu iyo weji gas adigu kala saar anagu kala saari weynay... halkaasi ayaana lagu xiray kiiskii dacwadeed ee lamaanaha jinka iyo insiga ah madama wax xal ah aan laga gaari karin arrintooda...
Lifaaqan Hoose ka tixraac qeybta hore
W/Q Yusuf Cali
0 Comments