Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Ururka Ardayda Jubbaland oo Xaflad ku qabtay Sanca (Sawiro)

5 Oct 2014, Habeenimadii Axda, Ururka Midowga Dhalinyarada deegaanada Jubbaland
ayaa sanad guuradiisi kowaad ku qabsaday Magaalada Sanca ee dalka Yemen, Ururka Midowga Ardayda Jubbooyinka ayaa xaflada oo aheyd casho sharaf ku marti qaaday, Masuuliyiin ka socda Safaarada Soomaaliya ee magaalada Sanca, Odayaal, Ganacsato, Arday, Qorayaal Iyo weliba marti sharaf kale 

Xaflada oo ku bilaabatay Aayado qur'aan ah kaddib waxaa bilaabay xaflada oo furay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jubbaland Adam Hussein isagoo ka hadlay Ahmiyada ururka u leeyahay Ardayda deegaanada Jubbooyinka iyo weliba ka hortaga fikradaha Qabyaalada, Wuxuu dhalinyarada waxbartay uga digay adeegsiga gurracan ee kooxaha qabqablayaashu u adeegsan Waxbarashadooda isagoo yidhi ''Raggii waxbartay waxay noqdeen adeegsi ay adeegsan kooxaha qabqablayaasha iyo kuwa dagaalku... taasina uma wacna dhalinyarada...'' wuxuu dhalinta ku Guubabiyey Waxbarashada iyo adeegsiga qalinka 

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Yusuf Maxamed Salaad oo ka mid ah odayaasha deegaanada Jubbaland ee ku sugan Yemen, isagoo sheegay dhalinyarada kula dardarmay Waxbarashada ugana digay qabyaalada, Wuxuu sheegay in qabiil iyo dowladu aysan isku meel gelin, hadii nin kasta dhaho aniga keliya noqon wax waxba inoo socon maayan ayuu yidhi Oday Yusuf Maxamed 

Sidoo kale yidhi ''Hadii sheyga dhamaantii la waayo juskii lagama tahoo..''



Cirro oo ka mid ah dhalinta deegaanada Jubbooyinka ee wax ka bartay dalka Yemen ayaa isaguna halkaa ka hadlay isagoo dhalinta kula dardarmay kordhinta aqoonta iyo tegida dalkii sii loo horumariyo

Gaarad Soomaaliyeed Jeberti oo ka mid ah odayaasha Sanca ayaa isaguna halkaasi khudbad qiimo weyn ka soo jeediyey isagoo dhalinta ku booriyey Soomaalinimada Iyo ka qeyb qaadashada Horumarka iyo dib u dhiska waddanka 

Jaamac Caarshe oo ah masuul ka socday Safarada Soomaaliya ee magaalada Sanca ayaa isaguna halkaasi ka hadlay isagoo khudbad ka jeedin madasha  lana hadlin dhalinyarada ayaa yidhi ''Maskaxda yar ayaa shaqeyn ee maskax gabowday shaqeyn meyso...'' micnaha dhalinyaro idiinka ah bedelkeeni annagu waan gabownay 


Marti sharafta xaflada sidoo kale waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Ardayda deegaanada Puntland ee dalka Yemen Barkhad Maxamuud, wuxuu sheegay in ay kala qeyb qaadan ardayda Jubbaland wax kasta oo ay u baahan yahiin madama ay hal wadan ka wada yimadeen sidaa u hadalka u dhigay, Sidoo kale wuxuu sheegay in Puntland ka qeyb qaadatay dhismaha maamulka Jubbaland Iyo Horumarinta Federaalka, Isagoo sidoo kale sheegay in Ardayda Puntland ee ku sugan Yemen yahiin kuwa ugu badan ee dalkan wax ka barta..... Maamulka Puntlandna u ka war qabo iyaga siduu yidhi 

Guddoomiyaha Ardayda Khaatumo oo lagu magacaabo Axmed ayaa isaguna halkaasi ka hadlay isagoo sheegay in ardayda loo baahan yahay inay midow suubistan iyo in la horumariyo Waxbarashada..





Xaflada oo aheyd Casho sharaf, Aad u qurux badan ayaa ku soo dhamaatay sii heer sare ah, waxaana dadkii ka wada qeyb galay dhammaan u mahadceliyeen Guddoomiyaha Ardayda Jubbaland Adam Hussien, Ardayda Jubbaland iyo weliba Madaxda Jubbaland oo iyaguna sheegen inay yahiin horseedka Nabada deegaanada ka bilatay. 



Yusuf Ali Adan
Yusufcali@Outlook.com












































Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement