Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

TUUGA MA QABIIL BUU LEEYAHAY?

Nasiib daro shacabka Somaaliyeed intooda badan waxay difaacaan ninka la qabiilka
ah waxayna garab ku siyaan xumaan iyo samaan. Ayagoo baal maraaya xadiiska Nabegeena Suubanaa Naxariis kurkiisa ha ahaatee oranaayay" Walaalkaa ugu hiili, qaladkiisa u sheeg, intaas baa hiilo ugu filan.

Waxaan aad ula yabaa maraka la doono ninka xun ee mushtamaca Soomaaliyeed dhib ku haayo ee u baahan in farta lagu taago lagana qabto mushtamaca, qaar baa waxay ku doodayaa " Waxaad necebtahay qabiilkeeyga ama qabiilkeeyga ayaa loo danleeyahay" Hadaba ninkaas falka xun geeysanaayo ma qabiil dantiisa ayuu fulinayaa? Ma qabiilka ayuu wakiil ka yahay oo u soo egmaday falka uu ku dhex jiro? 

Waxaa hubaal ah ninka xun ee dambiilaha ah ee la doonaayo in la maxkamadeeyo si looga qabto falka guran ee uu ku dhexjiro, waa inuusan qabiil yeelanin, waayo waxaa uu sumcad xumo u keenayaa qabiilka uu ka dhashay iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa muhiim ah in Qabiilka uu ka dhashay ay qayb noqdaan in hal meel looga soo wada jeesto dambiilahaas. Hadii uu tuug kasta qabiil yeesho waxaa hubaal ah inuu qaranka oo dhan uu noqonaayo Qaran Tuugo.

Sida kaliya ee sharciga u shaqeyn karo waa inuu jiraa garsoor loo siman yahay, oo qofkasta oo dambiila ah ku qaadaayo dambiga uu galay, qabiilkuu doono haka dhasho.


Sheiknor Abucar Qassim

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement