Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

KAARAHAA ANNIGA GUBAY

1993dii ayaan gaadhi bus ah ka raacay magaalada Hargeysa, anigoo ku socda xeebta Berbera
, gaadhigii markii rakaabkii wada fuuleen ee
darawalkii damcay inuu dhaqaajiyo ayaa mar qudha waxaanu aragnay nin sita qori BKM ah oo gudaha usoo galay buskii, kuraasta gaadhiga oo buuxday awgeed ninkii wuxu istaagay halka ay istaagaan wiilasha yaryar ee BL-ka lacagta uga ururiya dadweynaha rakaabka ah

Markii aanu ka baxnay hargeysa ayaa ninkii qoriga sitay hadal ku bilaabay gaadhigaa beebeega ah ee wadada dhinacyaal anigaa gubay xilligii SNM-ta, cabaar kadib ayuu hadana yidhi ma aragtaan kaarahaa anigaa gubay, waxooga kadina wuxu yidhi gaadhigaasi zuu buu ahaa isagana anigaa gubay, ilaa aanu gaadheyney berbera qolof kasta oo gaadhi noocuu doono ha ahaadee wuxu lahaa anigaa gubay, dadkii gaadhiga saarnaa cabsi baa gashay oo waxay la yaabeen ninkan qoriga sita ee leh anigaa intaas oo gaadhi gubay, markii aanu geleynay berbera ayaan isha ku dhuftay kaare wakhti hore la gubay markaasan intaan kor u qayliyey waxaan idhi "kaaraha anigaa gubay" dadkii gaadhiga saarnaa baa qosol ku dhuftay, kadibna ninkii baa xanaaqay oo igu jawaaby waa beentaa anigaa gubay ...KKKKK.. Maamo buska nala saarneyd baa la hadashay ninkii oo ku tidhi "Hooyo ilaa hargeysa ayaad wax soo gubeysee wiilka u ogolow kaaaraha keliya...."


W/Q Abdi Haybe

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement