Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Gedo, Gayiga dhacan ee Kenya ugacangalayo

Gobolka Gedo waa dhul ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliya, ballaciisuna yahay ku dhawaad    43,000 km².  
Waxa uu Koofur-Galbeed ka xigaa caasimadda Muqsho masaafo dhan, 387kM(241ml). Garbahareey  waa Xarunta gobolka waxaana hoos yimaado Todobada degmo ee kala ah: Beled-Xaawo, Baardhere, Buurdhuubo, Dooloow, Ceel-Cade ,Ceelwaaq iyo Luuq-Ganaane .Waa gobolka labaad ee ugu dhulka weyn, isla mar ahaantaana waa gobolka labaad ee ugu xuduudaha badan marki la eego  khariiradda wadanka. Waxaa uu soohdimo la wadaagaa wadamada Kenya iyo Ethiopia , sidoo kale waxaa ku teedsan Afar gobol oo  Jamhuuriyadda Soomaaliya ah

Taarikh ahaan asaaska gobolnimo ee Gedo,  waxa uu ka mid yahay goboldii ku sameysmay Qaybin- maamuleedkii  dawladdii Kacaanka, iyadoo markii hore uu ka mid ahaa deegaanadii la isku oran jiray" Basso Giuba". Hayeeshee, in kastoo, dad badan oo Soomaali ah ay madaxdii Dawladdi Dhexe ku eedeyn jireen ,Qaraabo-kiil, eex, sadbursi iyo in ay  laduubanyihiin qabiiladooda, hadana gobalkaan oo ahaa meeshii ay ka soo jeedeen madaxdaas ayaanan uga marag kaceyn eedeymahaas. Sababta oo ah gobolkani kama uusan helin dawladdii dhexe daryeel gaar ah , iyo mid guud midna .Waxa uu ahaa meesha qeybta ugu yar ka heshey mashaariicda dawladda, sidoo kale adeegyada bulshada asaasiga ah iyo waliba kaabayaasha dhaqaale.Gedo oo ah gobol qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah , Xoolaha iyo Beeraha , ayna maraan labada wabi ee Juba iyo Daawo:(dad badan oo soomaali ah kuma baraarugsana in uu maro wabiga Daawo gobolkaan) ma uusan helin mashaariic hormarineed oo lasiman kuwa ay heleen gobolo badan oo kamid ah dalka.

Laga soo bilaabo burburkii dawladdii dhexe ee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre(Allah ha u naxariisto) gobolka gedo kama harsan dhibaatada dagaalka oo midba uu mid kusimay.Waxa uu fagaare u ahaa kooxo iska soo wada horjeeday ,oo dhamaantood kawada sinaa in ay yihiin kuwa aysan  dooran dadka gobolka iyaguna anan ka talineyn dandooda. Dagaaladii dhexmaray ururadii SNF iyo AL-itixad, kuwi u dhexeeyay beelahaha  gobolka, Alshabab iyo Ahlusuna oo haatan ku loolamaya dhamaan intuba waxa   ay uga sii dareen xaaladdii adakeyd ee gobolka, waxa ayna horseedeen barakac, gaajo iyo saboolnimo ka dilaacday daafaha gobolka.

 Hadaba intii ay dhibaatadani socotay  ayaa qeybo ka mid ah degmooyinka  gobolka waxaa ka soconaysay arrin mudan fiiro-gaar ah. Wali ma is weydiisay sababta keentay in  dagmooyinka gobalka gedo ee dhinaca xudduudda Kenya xiga laga isticmaalo lacagta dalkaas? , sidoo kale dadka deegaankuna  ay u baratamaan qaadashada dhalashada dalkaas?  Arrintani ma aha mid ay in badan oo dadka  ka mid ah u arkaan in ay wax dhimaal leedahay, ama maba ku baraarugsana badankoodu. xaqiiqaduse waxa ay tahay in ay si xun u saameynayso qaranimada wadanka Soomaaliya iyo haybadda dalka, sabatoo ah lacagta iyo Jinsiyadda waxa ay ka mid yihiin calaamadaha wadan lagu garto, waxa ay lasimanyihiin Calanka, Baaqa Qaranka  …IWM

Dagmooyinka B/xaawo, Dhamso iyo Ceelwaaq  waxa ay dadku, si rasmi ah, wax ugu kala gataan lacagta dalka Kenya. Laakin su'aashu waxa ay tahay: Hadii dadka qaar ay is leeyihiin lacagta Soomaaliya  oo qiima dhacday darteen , iyo dadka deegaanadaan oo Kenya ganacsi lawadaago ayaa ku khasbay dagmooyinkaan isticmaalka lacagtaan, maxay tahay sababta keenayso in ay dadka deegaanaddaan qataan aqoonsiga dalka Kenya?.  Dhab ahaanti qofkii ufiirsado xuduudda u dhaxayso Beled/Xaawo iyo Mandera ,waxa uu la yaabi doonaa sida ay labada magaalo isugu milmeen, oo ayba adagtahay in aad kala soocdo guryaha labada daraf kala raacsan. Haddii dhanka Soomaaliya aysan jirin dawlad ka reebto dadka dhisashada dhulka xudduudda ku yaalo, Kenya maxay indhaha uga laabatay dadka dhanka Mandera ka dhisanayo guryaha? Ma sidii ay iyadu dooneysay ayay wax u socdaan? Waxaa xusid mudan , dadka guryaha ka dhisanaya labada dhinacba waa dad ree Beled/Xaawo ah!. Sidoo kale dadka ree Beled/Xaawo marki lagaaro doorashooyinka Golaha Deegaanada  ee Mandera, waxa ay murashaxiintu u baratamaan in ay helaan codkooda, maadaamo ay inta badan ay qaateen Aqoonsiga Kenya(ID Card). Taa waxaa dheer kumanaanka ardayda ah ee Mandera ku qulqulo si ay school lada Kenya wax uga soo bartaan, kuwaas oo sida muuqata noqon kara iniinyaha uu ka beermi doono mustabalka ay dooneyso Kenya ku taameysa ee ah jiil xanbaarsan mabaadi’deeda . Sida degmooyinka kale ee gobolka amaba dalka intiisa kale , maxaa uu diiday deeganaddaan in ay Iskoolo bareefad ah ka hergeliyaan magaalada?.

Hadii aynu ku eegno arrintaan il siyaasadeed, waxaa muuqato in ay tahay xadgudub ka dhan ah qaranimada Soomaaliya , kaasoo Kenya ay kuwado dalka Soomaaliya xilli madaxdiisu ay yihiin kuwa taagdaran , dadkiisuna yahay mid gama'san. Iyo in sidoo kale Kenya iyada oo iska ilaalineysa irdhro-galinta dadka deegaanka iyo Soomaalida guud ahaan, ay hadana si hoose ugu hawlantahay qorshe dhul-balaadhsi ah.Waxaa haboon in lagu baraarugo khatartaan, lagana hortago gardaradaan inta ay goori goortahay, taasoo mustaqbalka isu rogi karto muran dhuleed.


W/ Q : Adam Cabdi xuseen

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement