Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Addoonsigii Talyaaniga Ee Hurdiyo oo Puntland ka mid ah

Deegaanada Puntland intaa badan dadka ku nool waxay ku sheegin in gumeystahii Talyaanigu sii weyn u bahdili jiray dadka
Koonfuurta Soomaaliya ku nool keliya, Qaar ayaa ku dhihin Webiyada ayuu kaga talaabsan jiray dadkaasi.. balse marna kama hadlin dadka deegaanka Puntland ku nool sidaa Talyaanigu u gumeysay xiita u badda kaga soo talaabay ama u ku shaqeystay....kuwaasi ma aha wax muuqda intaa badan oo ay sheegan dadka Gobolada Waqooyi Bari ama Puntland xilligan loo yaqana





Talyaanigu deegaanada gobolka Bari gaar ahan deegaanka Hurdiyo oo ka tirsan degmada Xaafuun ee gobolka Bari sii weyn ayuu gumeystahu u diciifsan jiray dadka ku nool wuxuuna dadkaasi ku shaqeyn jiray wershada magaalada ee Cusbada uu kala bixi jiray madama deegaankaasi leeyahay ilaa 7-ba buurood oo cusbo ah


Sidoo kale Talyaanigu wuxuu kaga talaabi jiray dadka ku nool magaalada Bosaso, Baargaal, Iyo Xaafuun biyaha badda....

Xaqiiq Gumeysataha Talyaanigu marna ma aheyn mid u sharaf badan dadka deegaanada Gobolada Koonfuureed ee Soomaaliya, balse dhibaatadu waa mid la islaa qabay ayaan odhan kara Koonfuur Iyo Puntland intuba...

Gumeysatahii Ingiriiska ee gobolada Waqooyi laftigiisu ma aheyn mid u khayr u haya dadka gobolada, in kasta oo ay odayaasha deegaanadasi ahayeen kuwa iska leh amarka sare sidaa Suldaan Maxamuud Cali Shire oo aha oday Dowladda Ingiriisku sii weyn uga dambeysay..




Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement