Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Aaway isbedelkii ?


Runtii marka aad sii dhab ah u fiirso sawwirka AminArts ka suubiyey xaaladda
Puntland waxaa ku muuqan xaaladda runta ah ee ka jirta deegaanka, Isbedel ayaa laga raadiyey balse waxaa muuqata hungow iyo fashil

Deegaanada Puntland weli waxaa ka jirta cadaalad xumidii iyo dulmigii hore loga tirsanayay dhulka, sidoo kale waxaa la arkaya dhibaatoyiin deegaanka ka jira oo aan waxba laga qaban ama Indha laga laabtay, tusaale cad waxaa kugu filan deegaanka Gumbax ee gobolka Bari oo Abaaro iyo biyo la’aan dadku ugu dhiman iyadoon xukuumadda jirta wax yar oo gargaar ama xiita qaylo dhaan u fidin dadka dhulkaasi degan

Waxaa kale oo arki karta musuq masuqii iyo eexdii hore dadku uga tirsanayeen maamulka liidka dheer ku kooban inu weli socdo, waxaa kale oo arki dagaalo qabiil iyo dhiiloyin cusub oo ka abuurmay deegaanada qaar iyadoon xukuumadda hada jirta aysan waxba ka bedelin nidaamki hore iyo sharcigii hore u degsana

Cabdiweli Gaas waa nin lagu sirmay marka runta laga hadlo, dadka reer Puntland hore ayee ugu jeeden waqtigii Dowladda federaalka u Ra’iisal Wasaaraha ka aha Eexda Iyo Qabiileysiga u ku maamuli jiray deeqaha waxbarasho iyo kuwa hormarinta deegaanada PL ee keliya u ku koobi jiray Beeshiisa, xilligana Aaminka cusub ee ay siiyeen waa mid dhigay halka ay xilligan joogan ee gaaray xiita In Gaajo logu dhinto dhulkii Hodonka aha..




Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement