Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

Qisada Luqmaan (Qur'aanka Kariimka)

Luqmaan wuxuu ahaa Nin suuban oo umadihii hore ka mid ah' Eebana siihey Cilmi naafic ah iyo Caqli toosan ... Eebana ku mahdin jiray
, Wiilkiisana wuxuu u dardaarmay dardaaran kii u fiicna oo ah inuu Eebe kaliya caabudo, labada waalidna wanaag u falo, Gaar ahaan Hooyada u soomartay dhib daran uur & Nuujinba, waxaa kaloos u dardarmay in gaalnimadu tahay dulmiga ugu wayn

Hadday kugula dadaalaan labada waalid inaad Eebe u shiriig yeesho (Wax kale la wadaajiso) waxadan aqoon u lahayn ha ku adeecin xumaantooda iyo gaalnimada lakiin wanaag kula noolow Eebana jidkiisa raac

Luqmaan waxa kale oo u wiilkiis kula dardaarmay oogida Salaadda, farida wanaagga, reebida xumaanta iyo dhibka oo loo adkeysto, isagoo u sheegay in sameynta sidaasi ka mid tahay amuuraha wanaagsan, waxa kale oo u ku yidhi dadka wejigaga ha ka jeedin, hana ugu socon dhulka kibir waayo Eebaheen ma jecla mid kasta oo isla weyn, isagoo u sheegay in socodkiisa u noqdo mid hagaagsan  waxa kale oo u yidhi Luqmaan isagoo wiilkiisa la hadli Hoos u dhig codkaaga 

Dadka oo sii fiican loo qaabilo, Dhulka oo sii fiican loogusocdo & codka oo hoos loo dhigo oo aad qaylin sidaa Dameeraha iyo kibirkoo laga tagaa waa wanaagga Diinta Islaamku farayso Luqmaana Wiilkiisa u dardaarmey

Eebe wuu u nimceeyey Dadka,  jidkiisana in lagu toosnaado laguna taagnado loona toobadkeeno dhammaan waa waxyalaha lays faray ee wanaaggsan, mana haboona muran xaq darro iyo raacida dad dhunsan & shaydaan... Eebe aan ka dhowrsano, Ciddii Eebe u hogaansata wuxuu farayna yeesha oo wanaagsanaata wuxuu ku liibaani ballan adag iyo Qabsasho Xadhig Eebe, Kii gaalooba isaga unbaa isdhibay ..... 

Eebaheena waa sugi mudo yar wuxuuna ku abaal marin cadaab adag



Booqo Bogga aan ku leeyahay Facebook http://facebook.com/yusufvip  

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement