Waan dareemi kara qabiilku wuxu yahay anigu,
lakiin idiinku ma dareemi kartan lakiin waxa dareemi lahaydeen idiinko nusa
saaca keliya la idiin yirahdo midgaan noqda
markaasa dareemi lahaydeen Gabooye
wuxuu yahay qabiilku wuxuu yahay markaasa dareemi lahaydeen lakiinse anigu waan
dareemaya idiinku lakiin ma dareemeysan For Exmaple aan dhaxanta idiinka
duuliyee mid yar ayaan idiin dareensiin, halkan waxan degana Hayes (London)
Qolo ayaan jaar (Deris) Aheyn weliba aan
reer Hargeysa isla aheyn, Inaan aan dhalay anigu iyo inan kale ayaa is raacay
way saaxiibeen dee waa isku galaas (Fasal) , Labadii inaan ayaa Hooyadii
dhashay inaanka kale ilaa waa ii taqanaaye.. Ay tidhi 'Hooyo maxa inaankan ku
raaciyay ?? Markasu yidhi Hooyo waa My Friend Waa Saaxiibkey Isku Galaas ayaan
nahay , Waxay tiri Hooyo maxad u raaci weysay Maxamuud Iyo Cali .. Dee hooyo
Anigu Mahdi ayaanu saaxiib nahay ayuu ku yidhi .. Aniga Khadar ayaa la ii dhaha
Wuxuu yidhi Mahdi Khadar ayaanu saxiib nahay oo isaganu wada socona … Waxay
tiri Hooyo Waa Midgaan .. Wuu fahmi wayay marka .. Markaasu yidhi Hooyo
Midgaanku miyaanu Soomaali aheyn Su'aasha ayuu Hooyadii u celiyay … Maya Hooyo
Soomaali weeye lakiin waa Midgaan aye tiri ee Inamada kale raac .. Markay
Fahamsiin kari weyday wiilkeedii Ayey ku tidhi Hooyo
Bakhtigu cuna Bakhtiga …
Wuxuu yiri Hooyo Bakhtiga ma cuno Mc-Donald ayaan
maalin
kasta wax ka doonana… ma cuno Bakhtiga .. waay fahamsiin kari weyday
hadaba orodo raac aye tiri hadu Saaxiibka yahay inaankii ayaa yarkeygii is
arkeen .. wuxuu yidhi "Mahdi Adiga Midgaan??..''
Markaasu yiri maba garanayo ee Midgaanku waa
maxay sidaas waxa ku jawaabay Mahdi .. Islaantii ayaa markii ay laheyd orod oo
raac saaxiibka waxay ku sii tiri Hooyo hadii u isaga Bakhtiga cunin Aabahiisa
cuni jiray .. Marka su;aal ale ayuu weydiiyay oo ah Mahdi Aabaha ma Bakhtiga
ayuu cuni jiray berigii hore … markaasu yidhi bal waan soo weydiinaya ..
Yarkeygii ayaa ii yimid oo igu yidhi Aabe Berigii hore ma Bakhtiga cuni jirtay,
markaasan ugu jawaabay Aabe wax yar wax badanba ma aanan cunin Kkkk
0 Comments