Ad Code

Responsive Advertisement

Maxaa u dambeeyey

6/recent/ticker-posts

DAMQASHO IYO DUCABA DALKEYGAA IGA MUDA

Soomaaliya waxay dowlad la'aan,dagaal dhexdeedaa iyo dibindaabyo gacma shisheeye ku jirtay muddo ka badan 25sano, laga soo bilaabo 1991kii qixii iyo kala orodkii ka dhacay
dalka soomaaliya waxaa soomaalidu gaareen daafaha caalamka sida yurub, america, aasiya iyo afrikada kaleba.

dadka qaybtii u carartay wadamada carabta waxay kala kulmeen xadgudub ka daran kii ay dalkooda uga qexeen sida dil, jirdil, kufsi,tarxiil iyo daanooyin aan lasoo koobi karin.


markaas ay carabtu sidaa dadkeena u dacdareynaysey waxay taa badalkeeda dalkeena gudihiisa ka wadeen banaamijyo ay sheegeen mashaariico horumarineed iyo waxbarasho lkn sida runtaa ahaa 'MASHAARIICDA SOOMAALI CARABAYNTA'.


Soomaali carabayntaas run ahaantii waa lagu guulaystay waayo in badan oo dadkaas la carabeeyay ihi maanta waxay ku sugan yihiin xaaladahaan:-


-aqoonta juquraafiyadeed ee ay leeyihiin waa mid ku kooban wadanka ay manhajkiisa waxku barteen haddii aad dhahdo soomaaliya waa meeqa gobolna wuxuu ku leeyahay waa 5 gobol.
-marka qadiyad ay gaadho wuxuu la damqadaa carabtii uu manhajkeeda bartay tiiyoo hadduu maanta dalkooda tagana uu qoorqabad iyo tarxiilid kala kulmaayo halka markuu qaddiyadda soomaaliya ka hadlaayana uu qaab beelaysan uga hadlo.


-wuxuu khamiiska iyo cigaalka sacuudiga ka aaminsanyihiin qaarkood inuu yahay sunno RASUULKA CSW laga soo gaaray ee maba oga inuu yahay dhaqan ay carabtu lahaan jirtay illaa iyo intii aadanuhu dhar xirtay,


''taa maba kula yaabaayo oo waxaa igu maqaalo ah in 1980s uu madaxwaynihii soomaaliya tagay dalka suudaan halkaasoo aad loogu soo dhaweeyey heesaha waxaa qaadaayey fannaaniin khamiisyo wata jaalle siyaadna wuxuu u qaatay inay culumadii reer suudaan u heesayso markaa buu ku yiri wafdigii la socday (wadaad xumayaashii dalkeena joogay saa u heesa lagama karo)''.
waxaa maalmahaan bariga dhexe ka jirey dagaal waxashnimaa oo u dhexeeya yuhuuda CARA ALLE HAKU DHACDEE iyo ururka ay ayagu samaysteen si ay ciida falastiin u xalaalaystaan ee XAMAS.
Waa muddan in laga dhiidhiyo muslim ahaan sax yaase ka dhiidhinaaya waa su'aale?
ma midka soomaaligaa ee marka uu ka hadlayo xaaladda aan mida falastiin dhaamin ee soomaaliya uga hadla qaabka jufaysan?


Walaal fadlan wax qabad, duco iyo damqashaba ka bilow dalkaaga iyo dadkaaga ''TAADA ADOO U MEELA' MID KULA MID AH ''xagga dhibka'' TAHNIYAD KAAGAMA BAAHNA''


Qore Bashiir Cali Barre

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement