Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), wuxuu
ku dhashay tuulo yar oo ku dhow Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, sannadkii 1908-dii. Wuxuu ahaa ruuxii keliya ee ay dhaleen Aabbihii iyo hooyadii, Hooyadii waxay dhimatay isaga oo yar, aabbihii ayaana soo koriyay.
ku dhashay tuulo yar oo ku dhow Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, sannadkii 1908-dii. Wuxuu ahaa ruuxii keliya ee ay dhaleen Aabbihii iyo hooyadii, Hooyadii waxay dhimatay isaga oo yar, aabbihii ayaana soo koriyay.
Aabbihii iyo isaga waxay u soo guureen isagoo 10-sano jir ah Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasoo uu isagu ka billaabay waxbarashada Dugsiga Qur’aanka, inkastoo uu dugsi dhiganayay intii uu ku sugnaa Baladweyne.
Muddo yar dabadeed waxay isaga iyo Aabbihii u soo gudbeen dhanka Gobolka Banaadir, waxaana xilligaas uu billaabay inuu dhigto iskuul, taasoo u sahashay inuu wax barto, waxaana uu billaabay inuu ku shaqeeyo Karraaninimo, isagoo ka shaqeynayay Gobolka Shabeellada hoose.
Marxuumka isagoo yar ayuu guursaday Haweenydii keliya ee caruurtiisa dhashay oo lagu magacaabi jiray Caasho, waxaana ay u dhashay 8-da caruurta ah ee uu ifka kaga tagay oo 6-ka mid ah ay yihiin wiilal halka 2-da kalena ay yihiin hablo. Waxaana cunuggiisa ugu yar uu dhashay sannadkii 1952-kii. Inkastoo 1982-kii haweeney labaad oo hadda nool, balse aan waxba u dhalin.
Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya EEBBE ha u raxmadeed wuxuu ku biiray siyaasadda isagoo yar, wuxuuna ka soo shaqeeyay meelo badan, waxaase 1943-kii uu si deg-deg ah ugu biiray xisbigii SYL oo ahaa dhaqdhaaq dhallinyaro Soomaaliyeed ay aasaaseen oo Gobonnimo doon ah, waxaan xilligaas dalka haystay Ingiriis, iyadoo Talyaaniga oo gumeysanayay laga saaray dagaalkii labaad bartamihiisa.
1946-kii waxaa loo doortay inuu noqdo xoghayaha xisbigii SYL xafiiskiisa Baladweyne. 1951-kii ayaa waxaa mar kale loo doortay inuu noqdo madaxa guddiga xisbiga SYL ee Gobolka Mudug, jagadaan oo uu hayay illaa bishii Feberaayo ee sannadkii 1953-kii.
1954-kii, waxaal loo doortay ku xigeenka madaxa guddiga hoggaaminta ee xisbiga SYL. Isla sannadkaas 1954-kii waxaa loo doortay hoggaamiyaha Xisbiga dhaqdhaaqa gobonnimo doonka ee SYL. Marka kale ayuu ku guulaystay isla jagadaan hoggaminta xisbiga, kaddib markii doorasho la sameeyay sannadkii 1958-kii.
July 1, 1960-kii, waxaa loo doortay Mudane Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo markaas ka xorowday Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana lagu caleemo saaray Magaalada Muqdisho.
Sannadkii 1961-kii ayaa doorasho Madaxweynenimo oo la qabtay uu ku guulaystay isagoo loo caleemo saaray mar kale inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya muddo 6-sano ah.
Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan intii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa si weyn loogu xusuustaa inuu yahay mas’uul wax weyn ka qabtay Sharciga, Arrimaha Bulshada iyo Kobcinta Dhaqaalaha dalka.
Aadan Cadde wuxuu ku hadli jiray luuqadaha Ingiriiska, Talyaaniga iyo Arabiga, marka laga reebo luuqaddiisa Soomaaliga ah ee uu u dhashay.
Sannadkii 1967-kii ayaa doorasho la sameeyay waxaa looga guulaystay Aadan Cabdulle Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo uu ku guulaystay Madaxweyinihii badalay ee C/rashiid Cali Sharma’arke isagana RABBI ha u raxmadee. Madaxweynenimada Aadan Cabdulle waxay ku ekedy June 10, 1967.
Marxuum Aadan Cabdulle ayaa ka sheegay goobta doorashadu ka dhacday in looga guulaystay doorashada uuna ku wareejiyay walaalkiis C/rashiid, waxaana uu sheegay inuu dowladda cusub gacan-siinayo, iyadoo lagu xusuusto inuu ahaa Aabbihii Dimuqraadiyadda xorta ee Afrika.
Intii uu Madaxweynaha ahaa ayaa waxaa lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa Madaxdii Afrikaanka ahayd ee aasaasay Ururka Midowga Afrika oo isagu ay ku mideysan yihiin hadda Madaxda Afrika oo dhan, waxaana xubinihii la aasaasay ka mid ahaa: Madaxweynihii dalka Masar Jamaal Cabdulnaasir, Xornimo gaarsiiyihiin dalka Ghana Kwama Negruma iyo Boqorkii dalka Ethiopia Haile Salase.
Aadan Cadde wuxuu ahaa ruux wadani ah oo jecel dowladnimada, sidoo kale wuxuu necbaa gumeysiga, wuxuu aad ugu ololeyn jiray nabadda iyo horumarka dalka, isagoo sheegi jiray in shacabka Soomaaliyeed ay barwaaqo gaari doonaan haddii ay waxbartaan oo ay dalkooda ka shaqeystaan.
Wixii ka dambeeyay markii uu ka dagay Jagada Madaxweynenimada wuxuu ahaa ganacsade leh beer weyn oo ku taalla degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo uu ku lahaa beer weyn oo uu isagu lahaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku maamuustay Marxuum Aadan Cadde in loogu magac-daro Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, oo loo bixiyay Aadan Cadde International Air-port. Sidoo kale waxaa lagu maamuusay in calanka Soomaaliya hoos loo dhigo muddo 21-casho ah oo baroor-diiq noqonaysa iyo in Idaacadaha aan laga sii dayn heeso inta ay jirto baroordiiqda
0 Comments