Ad Code

Responsive Advertisement

FAALLO – HAMBOBORO LIBAAX BAY SOO WADAA MAAMULKA CABDIRAXMAAN FAROOLE

Cidina Daah kama saarnna halka ay sarta ka quruntay iyo meesha ay ka jirto gol dalooloyinka xoogan ee wiiqay
Maamulka socod bardka ah ee Punland Madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole

Hadaba Maamulkii Puntland ee laga sugaayey isbedel dhaqso badan oo la taaban karo wuxuu gacanata u galay hal shaqsi oo haysta awood aan loo idman, Mana jirto awoodo kala qeybsan (separation of power), waaxan gebi ahaan taldii dalka Gacanta ku wada sidii Salad oo kale wiilka Madaxawaynaha Puntlanad, taasi oo nagu abuurtay in aan dib u xasuusano Xukunkii u hoggaamin jiray Maxamed Siyaad Barre oo Siyaasadiisu ahayad caburinta Shcabka taasoo markii loo dul qaadan waayey dhibkii ay keenaty Dowladii Siyaad ay xidida u siibeen Shacbkii Soomaalida oo soo ifbaxo kacdoon shacab oo aakhirkii dhaliyey dagaal sokeeye oo weli lagu kala maqanyahay
Marka miyaan u d ulqadanaa in sanad walaba uu yimaado wiil qurbaawi ah oo ka fekraya inuu hanti u kasbado Dal shisheeye siduu doonana ka yeelo dalkii iyo Dadka Reer Puntland. Jawaabtu waa Maya Maya
Sida ka muuqata durba waxaa ku yimi Mamalkii Puntland faashil xoogan ka gadaal markii ay ka bateen wasaaradaha Xukuumada Golaha Baarlamnaka Puntland oo lagu qadaro 66 Xubnood. Hadaba waxaa is waydiin mudan mee is bedlkii Bulshada reer Puntland Ku taamayen mudada dheer ma waxuu ahaa in Cade Muuse meesha ka baxo oo yimaado shaqsi kale oo ka hamuun tirta mise waxaa la raabay in beel walab ka dhex muuqato shaashada Puntland.Waxaa haddaba cad in la qaaday wadadii tacdiga iyo dhibaatada ku saleysneed,khiyaanada iyo qaybi oo xukunan ku dhisneyd oo ah mid laga dhaxalay fajiistadii caalmka
Si kasataba amuuruhu ha noqdeen maanata sow Wax iska cad maaha in reer Puntland xukunkii u dhibteen rag u carysanaa in mar uun hantaan hogaanka Puntland Dr Faroolese sow maaha Ninkii duhurka cad weerarka ku qaaday xaruntii Baarlamaanka Puntland iyo gurigii Madaxweyne ku xigeenkii hore Maxamed Cabdi Xaashi. Sow agaasimaha Madaxtooyada ma ahan Ninkii ugu dhaliisha badanaa doodaha Idaacada laanta afka Soomliga VOA-da oo isu arka inuu ku helay jagdaan halagan sow dad badan ma qaadyaan wadadii mucaradanimida si mar uun iyana u qabtaan hogaanka Puntlanad ma iska indho saabnaa in Agaasimha macaadinta Puntlanad Ciise dhoolawaa yahay ninkii sida weyn Saxaafada uga maagi jiray Shirkadaha Shidaalka Baara iyo Macadanta oo xiligaas lahaa dalkii ayaa la baranaya oo kheyraadka laga guranayaa sharci daro ayaa lagu boobayaa Wabsideyada ku soo faafin jiray maanta sokan isagii ka ah Agaasimaha Macadanta iyo Kheyraadka maamulka Faroole ma waxuu u dagaalamayey oo ujeedkiisu ahaa mar aan anigu maamulo Macadanta iyo kheyraadka Puntland oo shirkado ustareeliya keensado.
Qof walaba oo reer Puntland oo xiligaan ku nool gudaha Puntland waxuu dareemyaa cabsi xoogan oo ku aadan mustaqabilka Puntland waayo waxaa soo if baxaaya sawiro naxdin leh oo ka soo iftiimya halka Puntland looga arimiyo waxaa Madaxtooydii Buux dhaafiyey Koox lagu magcaabo aaran jaan oo xiligii Maamulkii i Cade Muuse iyo Cabdulaahi Yuusuf ku caanbaxay ku qorsita dicaayadaha derbiyda Garoowe iyo sameynta jidgooyooyinka baabuurta rayidka maraan
Maanata Ragaasi waa kuwa talada qaloocan iyo hogaanka dadban la dhinac fadhiya Madaxweyne Faroole. waxaana tusaale kuugu filan marka aad booqato Xarunta Madaxatooyda Puntlanad inta badan waxaa Madaxaweyne Faroole mashquliyey kooxdaasi oo ku xaragooto raacitaanka Madaxaweynaha sidoo kale lama arag weli lama maqal Puntland xeerkan kuma qorna kaaliye Madaxweyne ee Puntland yeelato maanata waxaa xilkaasa tuurta u ritay Maxamaud warsme shido oo ah Siyaasi soo baxay xiligii Jamaac Cali Jaamac oo Wasiir ka noqday dawldiisii ka dibna ka mid noqday Jabhadii Cade Muuse ee heshiaska la gashay C/Laahi Yuusuf, wuxuuna mar kale ku noqday wasiir. Waa kaaliye awood badan si weyn saameeyna ugu leh dawalada Puntland ee hadda jirta.
Sidoo kale Wiilka Madaxweyne faroole ayaa u muuqda mid gadaal qalinka odayga ka haya iyo weliba hantida Puntland. waa keed hayaha Aabihii oo weliba hantida uu hayaa waa mid Shacabka Puntland looga aruuriyo Canshuur wax in loogu qabto la doonayey balse laga miirayo Qarashkii Doorashada ku baxay iyo toban macaash dheer
Waxaase hadda layaab ah in Madaxweynaayaasha wiilashooda ay noqdeen kuwa kaga dhaw Wasiirada waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore C/laahi yuusuf iyo Madaxweyne Cadde Muuse oo dhamaan wiilashooda dibadda ka keena si ay u agfadhiyaan koleygana u sidaan waxaa sidoo kale la sheegaa MadaxweynahaMasar Maxamed Xusni Mubaarak oo wiilkiisa Jamaal Mubaarak lagu tiriyo in uu si weyn aabihiis dhagta wax ugu sheego, iyadoo ay u sii dheer tahay in l ahadal hayo in uu noqdo Madaxweynaah wadanka, waana caado dhaqameed xiligan madaxda Carbeed si weyn ugu caan baxeen mudooyinkii u dambeeyey sida Boqorkii Xuseen oo wiilkiisa Boqor Cabdalah ka dhigay Boqorka leh dhaxalka taasi oo si aad ah uu uga caroodey walaalkiis oo xilkaasi isku tiranyey.
Xafid Al-Azad-ka Siiriya ayaa wiilkiisa Bashaar wuxuu ka dhigay in uu ninka ugu dhaw oo dhegta wax ugu sheega waana taasi keentey in wiilkii uu si dhib yar ugu soo duulo kursiga Madaxweynaha ka dib geeridii aabihiis
Sadaam Xuseenkii reer Ciraaq ayaa wiilasha Uday & Qusay ayaa waxaa dadka siyaasada reer Ciraaq la socda ay sheegeen inay ahaayeen kuwa aabahood si aad ugu dhawaa uguna xirnaa, waxaaba la sheegaa in wiilka curadka ahaa Uday uu aabihiis xukunka kaga adkaa.
Ilmaha kale ee lagu nacay inay aabahood dhagta wax ugu sheegaan oo ay dadka xilka aabihiis la wadaaga ama la maamula uga dhaw waxaa ka mid ah Sacad Al-Qadaafi oo aabihii Col. Qadaafi dhag wax ugu sheeg inta uu dhaafay gaaray heer uu cagaha dhulka ugu garaaco rag golaha wasiirada ka mid ah
Sacad AlQadaafi ayaa waxaa xitaa la sheegaa in uu aabihiis ku qasbo waxyaabo badan, waana nin si aad ah u jecel faanka, isla markaana si aad ah hablaha ula tunta, iyadoo sanado ka hor laga soo cayriyey wadanka Switzerland ka dib markii isaga iyo saaxiibtiis ay garaaceen gabar Hotelka ay deganaayeen ka shaqeynayeysay manaata maxmed Fraole w axuu hayaa jidkii ragaasai sida aad ku arki doontaan sawir dhab ah oo maqaalkaan ku lfaaqi doono.
Si kasata ha ahtee maamulka cabdirxaan faroole ma yahy mid suulin kara dhibkii shacabweynaha Puntland ka tabanaayeen maamulkii cade muuse Jaawabtu waa maya
Waayo waxaa kor u kacay tirade Tahriibayaasha mar aan ku sameeyey diraasad oo sandkii al soo dhaafay bishii ay bixi jireen 4 doonyooda hataan waxaa baxa bishii 10 doonooyd sidoo kale burcad ak qawlysta xeebaha Puntlanad ayaa si toos ah uga baxada Boossso meel wax yar u jirata Madaxtooyda marka sow xaaladii puntland uma muuqto Kud ka guur Qanjo u guur
Intii aan qormadaan waday xiririo kala duwan aan al sameyey haydaha samafalka ee puntland caawiya ayaa laftoda walaac ka muujiyey qorshaha siyaasdede ee dawalada kula shaqayn doonaan
Sidoo kale qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha goobha dakhliga aan xog warysiyo kala duwan al yeeshy ayaa i sheegy in uu jiro boob xoogan lagu hayo hantidii umada waayo waxaa lacgihii aan xoroon maamulku ku qaadanayaa darka halka lagu qabto dakhliga taasian waa mid aan abadan soo marin Puntlanad
Guntii iyo gabagabadii waxaan ku soo afmeeryaa qoraalkan Dr faroole Boob uma baahinin

Qoraa Sare Cabdirsaaq sheekhaduun 
Email Sheekhaduun@hotmail.com
Telphone 00253 658052
Jamhuuriyada Jabuuti

Post a Comment

0 Comments

Ad Code

Responsive Advertisement